Iran: Diyaar baan u Nahay Inaan Ciraq Caawino

Iran: Diyaar baan u Nahay Inaan Ciraq Caawino

daajis.com:-Madaxweynaha Iran Xasan Rawxaani ayaa sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay Ciraaq ka taageerto dagaalka ka dhanka ah kooxda Sunniyiinta ah ee ISIS. Madaxweynuhu wuxuu beeniyay in Iran ay horey ciidamo ugu dirtay Ciraaq.

Madaxweynaha Iran wuxuu sheegay in Iran iyadoo raacaysa sharciga caalamiga ah ay diyaar u tahay inay xukuumadda Maliki caawiso.

Madaxweyne Rawxaani wuxuu sheegay in maleeshiyadda ISIS ee dhawaan qabsatay magaallooyinka dhowrka ah ay xiriir la leeyihiin siyaasiyiin reer Ciraaq ah ku guuldareystay codadna ka waayay doorashooyinkii baarlamaanka ee Ciraaq ka dhacay bishii April.

Dhinaca kale, dhalinyaro fara badan oo Shiico ah ayaa iska diiwaangalinayo magalada Baqdaad si ay ugu biiraan dagaalka ka dhanka ah kooxda Sunniyiinta ISIS.

Voasomali



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada