R/wasaaraha Soomaaliya oo Nairobi kula kulmay madaxweynaha Kenya "SAWIRRO"

R/wasaaraha Soomaaliya oo Nairobi kula kulmay madaxweynaha Kenya "SAWIRRO"

daajis.com:-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan booqasho sharafeed ah la qaatay madaxweyanha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, waxa ayna isku soo qaadeen arrimo kale duwan oo labada dalka quseeya.

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed kulanka booqasho sharafeedka ahaa ee uu la qaatay madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ka dhacay aqalka madaxtooyada ee dalka Kenya oo ku yaalla magaalada Nairobi, kulanka waxaa Ra’iisul wasaaraha kala qeyb-galay wasiir ku xigeenka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya,  iyadoo dhanka kalena ay ku sugneyd wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Kenya.

Kulanka oo qaatay saacado badan, ayaa waxaa badankiisa diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya iyo Kenya ay uga tashan lahaayeen aayaha dhanka wax wada qabsiga, arrimaha iskaashiga ammaanka xoojinta xiriirka labada dowladood iyo soo gabagabeynta heshiiska dhanka qaxootiga Soomaalida ee dalka Kenya.
“Dowladda iyo shacabka reer Kenya mahad ballaaran ayaan uga celinayaa sida ay dadka Soomaaliyeed u soo dhaweeyaan ilaa haddana ay u garan taagan yihiin, taasi ayaa daliil cad u ah sida labada dal uu uga dhaxeeya wax wada qabsi dhab, Soomaaliya waa dal hadda dib uga soo laabanaya bur bur, hasa yeeshee awood u leh in uu ilaaliyo xiriirka mudada dheer soo jireenka ahaa” ayuu yiri Ra’iisul wasaraha Soomaaliya.


Sidoo kale madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa xusay in shacabka labada dalka ee Soomaaliya iyo Kenya isaga shaqsiyad ahaan ay yihiin kuwa isugu mid ah, isla markaana wadaagi kara wax walba oo dowlado ka dhaxeeya, “waan sii wadi doonnaa is garab taagidda shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, mana jiri doonaan caqabado naga hor istaaga in aan iskaashi sameynno” ayuu yiri madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.
Maxamed Cali Nuur “Ameerica” Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya, ayaa warbaaahinta u sheegay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Kenya ay isla garteen in heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Qaxootiga dhowaan lagu saxiixo magaalada Muqdisho, “dowladda Kenya waxa ay si rasmi ah safaaradeeda uga furaneysaa magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeyb-gali doona madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, sidoo kale waxaa jiri doonna heshiisyo ammaanka quseeya” ayuu  yiri Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya oo warbaahinta u la hadlyey.


Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maalintii afaraad howllo shaqo u jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxa uu  arbacadii la soo dhaafay la kulmay madaxweyne ku xigeenka dalkan Kenya, isagoo saxiixay heshiiska waddamada ACP Soomaaliya ay uga mid noqotay 25, sanno kaddib, iyadoo uu kulan dheer la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed magaalada Nairobi ee dalka Kenya.




DHAMMAAD

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada