Abuubakar Al-Baqdaadi oo ka soo muuqday muuqaalkiisa u horeeyay

Abuubakar Al-Baqdaadi oo ka soo muuqday muuqaalkiisa u horeeyay

daajis.com:-Hogaamiyaha dowladda Islaamiga ee Suuriya iyo Ciraaq Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa ka soo muuqday muuqaalkii u horeeyay oo Video ah, isagoo ugu baaqay Muslimiinta inay amarkiisa oofiyaan.

Baqdaadi oo dhowaan isku magacaabay Khaliifka dowladda Islaamiga ayaa xukumaya dhul badan oo ku yaal Suuriya iyo Ciraaq.

Hogaamiyahan ayaa shalay ka soo muuqday Masaajidka Al-nouri ee magaalada Mosul ee waqooyiga Ciraaq, halkaasoo boqolaal ruux uu kula hadlay.

Tani ayaa meesha ka saareysa warar soo baxayay sabtidii maanta oo sheegayay in weerar cirka ah lagu dilay ama uu ku dhaawacnay.

“Waxaan ahay hogaamiyihiina, ma ahan ninka idinku wanaagsan, hadii aad aragtaan inaan saxanahay i taageera, hadii aan qaldanahay ila taliya”ayuu u sheegay Mr Baqdaadi dadkii masaajidka ku cibaadeysanayay.

Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa ahaa nin xeelado badnaa oo aan fagaaraha ka soo muuqan, hase ahaatee waxaa jira sawirkiisa oo la soo bandhigay, iyadoo madaxiisa la saaray lacag dhan 8-milyan oo doolar.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada