Al-Shabaab oo sheegtay dilka Saado Cali Warsame

Al-Shabaab oo sheegtay dilka Saado Cali Warsame

daajis.com:-Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay dilka fanaanada caanka ah, Saado Cali Warsame, oo maanta lagu toogtay magaalada Muqdisho.
Saado Cali ayaa sidoo kale xildhibaanad ka ahayd baarlamaanka Soomaaliya.

Dablay hubaysan ayaa rasaas ku furay baabuurka waday Saado Cali, oo marayay xaafadda Hodan ee Muqdisho.

Waxaa la sheegayaa in qof kale oo ka tirsan shaqaalaha baarlamaanka oo Saado Cali Warsame la socday isaguna la dilay.

Dilalka qorsheysan ayaa ku soo badanayay Muqdisho bishan Ramadan-ka.

Ururka Al-Shabaab ayaa Muqdisho ka baxay sanadkii 2011-ka, balse waxaa uu weli ka fuliyaa weerarro iyo dilal qorsheysan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada