Daawo Sawirada:- Halkii ay ku dhaceen Duqeyntii Diyaarado Dagaal shalay ka geesteen Degmada Jilib

Daawo Sawirada:- Halkii ay ku dhaceen Duqeyntii Diyaarado Dagaal shalay ka geesteen Degmada Jilib

daajis.com:-Diyaarado Dagaal oo la rumeesan yahay in laga leeyahaya Dalka Kenya ayaa shalay Duqeymo xoogan waxa ay ka geesteen Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhaxe, Degmadaas ay maamulaan Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Labo kamid ah Diyaaradaha Dagaalka Kenya ayaa la sheegay in ay fuliyeen Duqeynta ku dhacday Degmada Jilib , waxaana goob joogayaal kusugan Jilib sheegeen in Duqeynta shalay ay ka badalneed kuwii hore.
Sawiro laga soo qaaday halkii ay ku dhaceen Gantaalada laga soo tuuray Diyaaradaha Dagalaka ayaa muujinaya godad waa weyn ay qodeen , waxaana Al-Shabaab ay shaki galinayaan in Diyaaradaha Dagaalka ee duqeynta geestay Kenya laga leeyahay maadama Duqeymihii hore aysan sidaan oo kale gantaalada lasoo rido dhulka aysan u qodi jirin.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in Duqeyntii shalay ku dhacday Degmada Jilib aysan geesan wax qasaaro ah , mana jirto wali cid sheegatay Masuuliyada duqeynta shalay lagu garaacay Degmada Jilib ay maamulaan Xarakada Al-Shabaab.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada