DAAWO VIDEO: Fannaan caan ah oo hees qiiro leh ka sameeyay dilkii Saado Cali Warsame

DAAWO VIDEO: Fannaan caan ah oo hees qiiro leh ka sameeyay dilkii Saado Cali Warsame

daajis.com:-Fanaanka Soomaaliyeed Cabdi Baadil Ibraahim ayaa soo qaaday hees murugo iyo tiiraanyeysan, taasoo uu ugu talagalay Fannaanada Saado Cali Warsame oo dhawaan lagu dilay magaalada Muqdisho.


Cabdi Baadil oo ka qeybgalayay munaasab loogu baroor-diiqaayey Fanaanadii qaranka, aheydna Xildhibaanad Saado Cali Warsame ayaa wuxuu sheegay in Saado Cali Warsame ay kaalin ku laheyd inuu heeso, la´aanteedna maanta meelna soo istaagi karin hadeysan soo gacan qaban.

Cabdi badil ayaa waxaa uu sheegay heesaha uu qaado oo dhan in ay iyada sanka ka galisay oo ay iyada ku qasbi jirtay si uu u soobaxo isagoona intaasi ku daray in uu Saado Cali Warsame uu u hayo baal weyn.

Cabdi badil ayaa waxaa kaloo uu sheegay in isaga iyo Saado Cali Warsame ay ku balansanaayeen Holland si ay u qaadaan heeso ku saabsan badda Soomaaliya isagoona sheegay in aysan siweyn ugu faahfaain in ujeedada heestaasi.

HALKAN KA DAAWO QIIRADA HEESTA


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada