Dagaalka Yahuuuda ku Heysa Gaza oo Xoogeystey

Dagaalka Yahuuuda ku Heysa Gaza oo Xoogeystey

daajis.com:-Saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in weerar ay maanta Marinka Gaza ka geysteen diyaaradaha dagaalka iyo taankiyada Israel ay ku dhinteen ugu yaran boqol qof, xilli militariga ay soo xoojinayaan olole uu Raiisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu ka digey inuu waqti dheer qaadan karo.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in tirade guud ee dhimashada ay haatan dhaaftey 1,100 oo u badan dad rayid ah, kadib markii weeraro baahsan oo cirka ay ciidamada Israel ka fuliyeen Gaza saddexdii toddobaad ee la soo dhaafey.

Mid ka mid ah weerarada cirka ee maanta dhacay ayaa sababey inay xiranto warshaddii korontada ee Gaza. Weerarkan ka hor ayaa korontada magaalada la siiyo waxay ku koobneyd saddex saacadood oo qura maalintiiba.

Raiisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in hawlgalkan aanu soo afjarmi doonin ilamaa ciidamada Israel ay ka burburiyaan khadadka dhulka hoostiisa ee maliishiyada Xamaas u adeegsadaan inay ugu soo gudbaan gudaha Israel si ay weeraro uga geystaan.

Milatariga Israel ayaa sheegay in dagaalyahannada Hamas oo istcimaalaya waddooyinkan dhulka hoostiisa ay maanta dileen shan askari oo reer Israel ah.

Tirada guud ee ciidamada Israel kaga dhimatey hawlgalkan ayaa gaareysa 53 askari.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada