Dilalka Gaarisa, maxay salka ku hayaan?

Dilalka Gaarisa, maxay salka ku hayaan?


daajis.com:-Intii muddo sanooyin ah waxaa magaalada Gaarisa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanayay dad bulshada ixtiraam iyo magac ku leh, dilalkana waa kuwa sii socda, hase yeeshee dhacdooyinkani waxa ay dhaliyeen su’aalo xiiso leh.

Dilalka waxa ay dhaliyeen kala shaki weyn oo bulshada dhexdeeda ah, iyada oo la’isu eedeeyey ologyo siyaasadeed.

Dhamaan dadka la laayay waa hal beel, balse labo lafood sii kala ah, su’aasha waxa ay tahay maxaa beeshaasi kaliya ku koobay dadka la dilayo haddiiba sababta la’isu dilayo ay siyaasad salka ku heyso, illeen siyaasadda dad badan oo kala duwan ayaa qeyb ka ah ?

Dhamaan dilalka noocan ah ee isku mid ah waxa ay ka dhaceen magaalada Gaarisa, waxaa isweeydiin leh maxaa dilalkani Gaarisa ku koobey, illeen dadka meel kasta ayay wada joogaane, xitaa meelo ka ammaan xun Gaarisa, oo fursadaha qof lagu dili karo ay aad u badantahay?

Dhamaan dadkii la diley lagama sal gaarin ciddii dilka geysatay, sababta iyo ujeedka, wax kastana waxa ay kusoo dhamaadeen tuhun iyo warar suuqa ah, waxaa intaasi dheer in Gaarisa ay leedahay sirdoonka ugu hawlkarsan Kenya oo dhan, xilalka ugu sarana ka haya hey’adda sirdoonka Kenya, kuwaasi oo illaa 1980-kii diiwaanka u galay Kenya in ay yihiin kuwa si weyn loogu xisaabtamo. Taasi oo jirta hadana hal qof lama soo helin raadka cidii dishey, waxaana halkaasi ka dhalan kara su’aalo aanan jawaabtooda la heyn.

Waxyaabaha shakiga weyn dhaliyey waxaa ka mid ah in qofkii diley 4tii nin sanado ka hor ee mas’uuliyiinta ah, wuxuu kaliya ridey 4 xabadood, xabad kastana qof ayay dishey, waliba meel halis ah ayay oga dhacday, halkaasina waxaa ka muuqata tabobar gaar ah in uu lahaa qofkaasi.

Sheekooyinka suuqa galay waxaa ka mid ah “hebel waxaa diley qof meel hebel laga soo direy”, waxaa isweeydiin mudan, maxay tahay xikmadda ku jirta in qof laga soo diro si uu Gaarisa qof ugu dilo, haddii uu doonayo qof uu dilo meelaha laga soo dirayo ee la sheegey ayayba joogaan dadka kuwa uu Gaarisa ku dilayo ka caansan, kana muhiimsan?

Illaa su’aalahaasi la is weeydiiyo iyo kuwa kale oo badan, dadkuna caqliga ka shaqaysiiyaan, laguma dhiiran karo in dad la’iska eedeeyo, dad aan waxbo qabine la tuhmo, waxaana haboon in dadka mas’uuliyiinta ah ay arrinkani ka fariistaan inta uusan faraha kasii bixin.


:-kismaayonews

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada