Norway oo weeraro argagixiso fileyso maalmaha soo socda iyo ciidanka oo heegan la galiyay

Norway oo weeraro argagixiso fileyso maalmaha soo socda iyo ciidanka oo heegan la galiyay

daajis.com:-Sirdoonka dalka Norway ee loo yaqaan PST iyo wasiirka amniga qaranka Norway ayaa maanta waxaa ay si wadajir ah caasimadda Oslo ugu qabteen shir jaraa`id ay shacabka ugu wargelinayaan in maalmaha soo socda uu dalku filayo weero argagixiso oo kaga yimaada kooxo Islaamiyiin ah.

Ma eysan cadeyn kooxda cidda ay tahay iyo halka ay doonayaan in ay bartilmaameedsadaan, balse waxa ay sheegeen in laga warhelay kooxo dagaalada Suuriya kasoo qeyb-qaatay in ay dalka soo galeen, qaar kalena ay kusoo wajahan yihiin islamarkaana ay qorsheynayaan in ay geystaan weeraro argagixiso.

Dhamaan xuduudaha dalka, ciidamada kala duwan iyo xarumaha muhiimka ah ee dalka ayaa heegan la geliyay, iyadoona amaankoodu aad loo sugayo.
Waxaa sidoo kale la baarayaa dhamaan gawaarida kasoo galeysa dalka dhanka waddanka Swedan oo ay xuduud la wadaagaan.

Dadweynaha ayaa loogu baaqan in ay feejignaadaan, islamarkaana ay muujiyaan daganaan, wixii aan caadi aheyna ay kusoo wargeliyaan booliska iyo dowladda.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowladda Norway si toos ah shacabka ugu sheegtay in ay weeraro argagixiso fileyso dhawaan.


Arrintan ayaa dareen cabsi ku abuurtay shacabka reer Norway oo wali dhagahoodu ka guuxayaan weeraradii uu fuliyay Anders Breivik sadex sano ka hor islamarkaana ay ku dhinteen ku dhawaad 70-ruub oo dhalinyaro soomaaliyeed ku jireen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada