Daawo Muuqaal:-Mareykanka oo si qoto dheer uga hadashay dilkii loo geystay marxuumad Saado Cali!!

Daawo Muuqaal:-Mareykanka oo si qoto dheer uga hadashay dilkii loo geystay marxuumad Saado Cali!!

daajis.com:-Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay si qoto dheer uga hadashay dilkii loo geystay marxuumad Saado Cali Warsame iydoona ay Soomaalida ku nool dalkaas Mareykanka ay ka codsadeen dowlada Mareykanka inay baaritaan ku sameyso cidii ka dambeysay dilkii loo geystey marxuumad Saado Cali Warsame (AU).

Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay codsi u direen dowlada Mareykanka ay ku weydiinsanayaan inay baaritaan ay ku sameyso cidii ka dambeysay dilkii dhawaantaan loo geystey Xildhibaanadii iyo fananadii caanka ahayd ee Marxuumad Saado Cali Warsame (AU) oo dhawaantaan ay kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen iyada iyo darawalkeeda xilli ay mareysay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho , Marxuumad Saado Cali Warsame (AU) oo horey ugu noolaan jirtey dalkaas Mareykanka islamarkaana heysata dhalashada dalkaas Mareykanka ayaa waxay jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ay codsi u direen dowlada Mareykanka ay kaga dalbanayaan inay baaritaan ay ku sameyso cidii ka dambeysay dilkeed islamarkaana ay hor keento sharciga maadaama ay Saado Cali Warsame (AU) ay ahayd muwaadin Mareykan ah. 
http://video.daajis.com/2014/07/daawo-muuqaal-warbaahinta-mareykanka-oo.html




Ugu dambeyntiina iyadoo geerida Marxuumad Saado Cali Warsame (AU) ay naxdin iyo argagax ay ku reebtay qaar badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaan la ogeyn sida ay dowlada Mareykanka ay uga jawaabi doonto codsigaas uga yimid Soomaalida ku nool gobolkaas Minnesota ee dalkaas Mareykanka iyo inay dowlada Mareykanka ay baaritaan ku sameyn doonto cidii ka dambeysay dilkaas maadaama aan wali si sax ah loo ogeyn cida ka dambeysay iyadoona ay hadalo is qilaafsan ay ka soo baxayaan cida ka dambeysay falkaas lagu dilay fanaanadaas caanka ahayd inkastoo ay kooxda Alshabaab sheegatay inay ayagu lahaayeen masuuliyada lagu qaarajiyey Marxuumad Saado Cali Warsame (AU) ayaa hadana waxaa jira xeel dheerayaal shaki weyn ka muujiyey arintaasa ayaga oo kaa shanaaya habka loo fuliyey dilkaas iyo goobta uu ka dhacay, Sidoo kale ayaa taliyaha Ciidamada booliiska degmada Hodan oo uu dilkaas ka dhacay Maxamed Daahir uu sheegay inay ku rad joogaan cidii geysatey dilkaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada