Daawo Sawirada:- Ganacsi Xoogan Oo Ka Soconaya Bacadlaha Degmada Xamar weyne Ee Magaalada Muqdisho.

Daawo Sawirada:- Ganacsi Xoogan Oo Ka Soconaya Bacadlaha Degmada Xamar weyne Ee Magaalada Muqdisho.

daajis.com:-Bacadlaha Degmada Xamar weyne ee Gobolka Benaadir oo ah Suuqa ugu weyn Degmadaasi, islamarkaana ay Maamusho Shirkadda MMC ayaa waxaa ka soconaya howlo ganacsi oo lixaadl eh xeli ay dhowdahay ciida Soon Fur. Shirkadda MMC iyo Maamulka Gobolka Benaadir oo iskaashanaya ayaa howl geliyay Suuqaasi, iyadoo ay ku diirsadeen ganacsatada ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo kuwa kale ee ka yimid dibadaba.

Shirkadda MMC ayaa suuqaasi ka hergilisay goobo loogu tala galay in lagu keydiyo Badeecada iyadoona Gaadiidka cariiriga badan ku hayay Suuqa ay shirkaddu u sameysay goobo kale oo ay ka rartaan.

Waxaa si weyn looga dareemayaa gudaha Suuqa Bacadlaha Xamar weyne dhaq dhaqaaq ganacsi oo xoogan, xeli inta badan ganacsatadii kireysata Suuqaasi ay si waangsan u wadaan howlahoodii ganacsi..

Maamulaha Shirkadda MMC Mudane Cumar Cusmaan Waasuge ( Omar Ringa), oo aan kula kulmay gudaha Suuqaasi ayaa iiga waramay howlaha Ganacsi ee suuqa, isagoona ii sheegay in howlaha ganacsi ay meel fiican marayaan

Mr. Omar Ringa ayaa sidoo kale baaq u diray Ganacsatada Kireystay Dukaamada ee aan weli furan iyo kuwa aan weli bixin kirada Dukaamada, isagoona ugu baaqay inay bixiyaan Kirada Dukaamada islamarkaana furtaan Dukaamadooda.

Cumar Cusmaan Waasuge Omar Ringa ayaa sheegay inay gacmo furan kusoo dhoweyn donaan ganacsatada Soomaalida ah ee ka imaanaya dalka, islamarkaana doonaya inay howlo ganacsi ka sameystaan Suuqa Bacadlaha Xamarweyne.

Osman Mohamed Awale Beynoos oo ah Maamulaha Bacadlaha Xamarweyne ayaa isna inoo sheegay in bishaana uu kordhay Ganacsi suuqa Bacadlaha Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho, isagoona dhankiisa baaq u jeediyay ganacsata tirada yar ee aan weli Dukaamadooda furan, isagoona ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u furtaan Dukaamadooda, islamarkaana iska bixiyaan kirada lagu leeyahay.

Suuqa Bacadlaha Xamar weyne waa suuqa ugu weyn Degmadaasi, waxaana xiligaan Maamula shirkadda MMC oo ah shirkad ay ku Midoobeen Ganacsato Soomaaliyeed maalgashi ku sameyay dalkooda, kuwaa oo kor u qaaday ganacsi dalka Soomaaliya.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada