Qodobadii lagu dhabar goyn lahaa Alshabaab oo lasoo saaray.

Qodobadii lagu dhabar goyn lahaa Alshabaab oo lasoo saaray.

daajis.com:-War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda amniga Qaranka Khaliif Erag ayaa waxaa lagu sheegay in Ammaanka Magaalada Muqdisho lagu hagi doono nidaam cusub.

Qaraalka ayaa waxaa lagu sheegay in looga gol leeyahay sidii looga hortagi lahaa falalka ay Alqaacidada Somalia ee Alshabaab ka geystaan magaalada Muqdisho, islamarkaana ku naafeynayaan Bulshada Soomaaliyeed.

Haddaba qoraalka ayaa waxaa lagu soo koobay Afar qodob oo laga soo saaray Xafiiska Wasiirka oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Amniga Khaliif Erag waxaana kamid ah qodobadaasi:-

1-In Toban gawaarida dagaalka ah oo ay leeyihiin Ciidamada Amniga qaranka laga howlgeliyo Magaalada Muqdisho iyagoo kormeer ku sameynaya wadooyinka Magaalada joojiyaana gawaarida hubeysan ee maraya wadooyinka Magaalada Muqdisho si loo hubiyo cida wadata.


2-In gawaarida Mas’uuliyiinta heer Qaran ama heer gobol eysan qaadi karin xiliyada ay wadooyinka marayaan ciidamo hubeysan oo aan aheyn ilaaladooda si aanay u baxsan dhagar_qabayaasha dambiyada gala ama hadey dhacdo koox gaar ah oo laga yaabo inay dhibaato geysteen.

3-In dhamaan gawaarida ciidamada qalabka sida loo diyaariyo warqado ruqsad ah oo ay ku sameyn karaan dhaq dhaqaaq ciidan.

4-Wasaaardda amniga qaranku waxa ay si deg deg ah u soo dhameystiri doontaa xeer xakameynaya hubka lagu dhex sito maagalooyinka iyo kuwa ay wataan ilaalada gaarka ah sida shirkadaha gaarka loo leeyahay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada