Saraakiil cadaan wata Eeyo badan oo lagu arkaayo Muqdisho (Mexey rabaan)

Saraakiil cadaan wata Eeyo badan oo lagu arkaayo Muqdisho (Mexey rabaan)

daajis.com:-Ciidamo cadaan iyo Saraakiil u badnaa AMISOM ayaa waxaa maanta lagu arkaayay wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Cadaanka ayaa iyagu watay Eeyo kuwaasi oo ka qeyb qaadanaayay Howlgalo Culus oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaani cadaanka ah ayaa waxaa wehlinaayay Ciidamo taabacsan AMISOM iyo kuwa Dowlada Federaalka Somalia, waxa ayna Eeyahaasi ku baadi goobayeen gaadiidka miineysan ee dhex hayaamayo wadooyinka Muqdisho qaar.

Ciidamada Cadaanka ah ayaa waxa ay ku socdeen gaadiid iyaga u gaar ah, halka qaarna ay saarnaayen gaadiidka gaashaman ee AMISOM waxa ayna inta badan Howlgalkaasi ka fulinayeen Suuqa-bakaarana ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Howlgalka ayaa waxaa ka qeybqaadanaayay Eeyo ay wateen AMISOM kuwaasi oo u tababarnaa urunta Miinooyinka iyo wixii la halmaan.

Dhanka kale, Ciidamadaani ayaa iyagu ku cusub Magaalada Muqdisho, waxaana xiliyada qaar la arkaa iyagoo wata gaadiid aan caadi aheyn islamarkaana isticmaalayo wadooyinka qaar sida Makka Al-mukarama
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada