Xasan Daahir Aweys oo wata gaadii oo lagu dhex arkay magaalada Muqdisho

Xasan Daahir Aweys oo wata gaadii oo lagu dhex arkay magaalada Muqdisho

daajis.com:-Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka lagu dhex arkay Hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam Xassan Dahir Aweys oo Magaalada ku dhex wata Gaadiid iyo Ciidamo aad u gaashaman kana tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia.

Xassan Dahir oo xubin ka ahaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab kuna jiro Gacanta Dowlada Federaalka ayaa waxaa iminka lagu dhex arkaa Magaalada Muqdisho isagoo ka adeeganayo goobaha ganacsiga, waxaana si aad ah Ammaankiisa u suga Ciidamada Nabad ilaalinta, kuwaasi oo ka baqaayo inay weerar kala kulmaan al-Shabaab.

Sida la og yahay Xasan Daahir, ayaa waxaa xabsi guri ku haya dowladda Somalia, hase yeeshee lama yaqaan sababta loogu ogolaaday inuu dibedda uga baxo gurigiisa.

Illo wareedyo ka tirsan Dowlada Federaalka gaar ahaan Villa Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in xiliyada qaar Wadaadka baxsadka ah loo soo saaro magaalada, kadibna dib loogu celiyo guri si gaar ah loogu ilaaliyo oo ku yaalla agagaarka Villa Somalia.

Xasan Daahir oo la il daran xanuuno ay kamid tahay Sokor, ayaa waxaa il doogsi loogu soo saara Magaalada, wallow uusan ku raagin dibna loogu celiyo Hooyga uu Villa Somalia ka degan yahay.

Dhanka kale, go’aanka Wadaadka Banaanka loogu soo saarayo ayaa waxaa baxshay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, taasi oo uu heshiis kula galay Beesha Habar-Gidir, waxa uuna u muuqda Xasan mid si dadban xoriyadiisa dib loogu soo celshay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada