Daawo Sawirada:- Duqa Magaaladda Muqdisho oo soo Bandhigay qorshaha Xasilinta Caaasimadda+warbixin

Daawo Sawirada:- Duqa Magaaladda Muqdisho oo soo Bandhigay qorshaha Xasilinta Caaasimadda+warbixin

daajis.com:-Guddomiyaha G/Banaadir Ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen(Muungaab) ayaa maanta u soo bandhigay mas’uuliyiin isugu jiray wasiiro iyo saraakill heer qaran iyo mid gobolba qorshaha xasilinta caasimada muqdisho.

Qorshahaan ayaa waxaa soo diyaariyay guddi Amni uu gudoomiye u yahay Guddomiyaha G/banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho oo waayahaan ku howlanaa diyaarinta qorshahaasi.

Kulanka oo ka dhacay xarunta dhaxe ee Maamulka G/banaadir ee Dagmada Hiriwaa ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiiro sida wasiirka Amniga Qaranka iyo Gaashandhiga, sidoo kale waxaa goob joog ahaa agaasimaha nabad sugidda qaranka ee somaaliya, taliyaha ciidanka booliska ee soomaliya, gudomiyaha maxkamdda sare ee ciidamada qalabka sida iyo saraakiil kale.

Qorshaha ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay wasiirka Amniga Qaranka,iyadoo maalmaha soo socda la filayo in la horgeeyo golaha wasiirada si ay u meel mariyaan.

Shacabka soomaaliyeed oo ku dhaqan caasimadda ayaa ka war dhowraya go’aanka ka soo bixi doona golaha wasiirada,iyadoo qubaro dhowr ah oo Amni ay qabaan in ay sharci tahay in amniga G. Banaadir lagu wareejiyo guddomiyaha Gobolk, iyadoo ay hay’adaha amniga ee heer gobol sida Nabad sugidda iyo Booliska ay si toos ah uga amar qaadan doonaan guddomiyaha gobolka Banaadir.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada