SAWIRRO: Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay Saado Cali Warsame

SAWIRRO: Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay Saado Cali Warsame

daajis.com:-Allaha ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameeyay Xildhibaanad, Fannaanad Saado Cali Warsame oo shalay kooxo hubeysan ku toogteen meel u dhow Hotelkii ay ka degnayed Muqdisho xili ay saarneyd gaarigeeda.

Ka hor inta aan la aasin ayaa waxaa Saaladdii janaasadda kula tukaday Madaxtooyada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, qaar kamid ah xubnaha labada gole ee dowladda, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo dadweyne farabadan .

Intaasi Kadib waxaa loo sameeyey aas qaran loogu sameeyay gudaha isbitaalka Madiina waxaa ka hadley qaar kamid ah Madaxda Dowladda oo ka qeybgalay aaskeeda.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ayaa Wariyeyaasha u sheegay in dilka xildhibaanad Saado aysan iyo kuwii ka horeeyay inuusan hakin doonin howlaha Baarlamaanka qaranka u haayo, isagoo codsaday in si dhaqsi ah hay'addaha amaanka gacanta ugu soo dhigaan kuwii ka danbeeyay falkan foosha xun.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa dhankiisa tacsi u diray baarlamaanka iyo eheladii ay ka baxday marxuumad Saado iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu waayay xubin muhim ah.

“Xildhibaanad Saado Cali Warsame waxay ahayd qof qaali ku ah bulshada Soomaaliyeed, waxay dhimatay iyadoo dalkeeda iyo dadkeeda u shaqaynaysa, Saado waxay la mid tahay dadkii Soomaaliyeed oo iyaga oo Soomaaliya u halgamaya naftooda ku waayay, uguma horeyn, dabcana uguma dambeyn doonto, ummadda Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa in marxuumad Saado fikirkeedii uun nool yahay, laguna xasuusan doono ololaheeda ahaa in Soomaaliyo cagaheeda isku taagto, waana in looga daydaa sidii ay ugu dhiirnayd in shacabka Soomaaliyeed ay ka guuleystaan cadowgooda” ayuu yiri R.W Cabdiweli.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar labaad ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan laamaha amniga soona sheekaan kooxaha dhibaatada ku haya hoggaamiyaasha qaran iyo haldoorka bulshada Soomaaliyeed.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada