Daawo sawirada:- Marwada Obama oo Mashquulisay Madaxda Africa iyo Marwooyinkooda ku sugan washington

Daawo sawirada:- Marwada Obama oo Mashquulisay Madaxda Africa iyo Marwooyinkooda ku sugan washington

daajis.com:-Iyadoo uu shir heer Caalami ah Dowladaha Africa uga socdo Dalka Mareykanka, ayaa waxaa soo ifbaxaayo in inta badan Madaxdii Afrikaanka ee halkaasi gaaray ay ku mashquuleen isla sawirada Madaxweyne Obama iyo marwadiisa.

Madaxweyne Obama, ayaa waxa uu Habeenimadii xalay Hoolka shirka iyo aqalka Dalkaasi looga arimiyo ku qaabilay Madaxda Afrika, waxa uuna la qaatay Sawiro Taariikh u ah Madaxdaasi Afrikaanka.

Warbaahinta Caalamka ayaa waxa ay soo qaaten warar ku saabsan kulamada uu la qaatay Madaxweyne Obama madaxdaasi Afrikaanka ah, waxa ayna qoraalka ku soo qaaten in kulanka uu ahaa mid casho ah, balse uu isku bedelay mid Sawiro lagu wada galo.

Warbaahinta qaar waxa ay si qoto dheer uga hadashay Sawirada dhex yaacaya Facebook oo ka turjumaayo mid Taariikh u ah Madxada Afrikaanka maadama ay fursad u tahay inay isla sawiraan Madaxweyne Obama.

Marwada Madaxweyne Obama ayaa si aad u mashquulisay Madaxda Qaarada Afrika iyo Marwooyinkooda, waxa ayna feel dheer usoo galeen sidii ay iskula sawiri lahaayen Marwada Obama, taasi oo goobta ka dhex abuurtay zaxmad, waxaana arrintaasi la xiriirta sawirka loo xil saaray Guddi iyagu marba Madaxweyne iyo marwadiisa u yeero si ay Sawir ula galaan Obama iyo Xaaskiisa.

Dhanka kale, Madaxda Afrika ee ka qeybqaatay shirkaasi waxa ay gabi ahaan Feceboogooda kusoo daabaceen Sawirada ay la galeen Obama, waxa ayna taasi Arin cajiib ah ku noqotay Shacabka dalalka Afrika kasoo jeeda, maadama Madaxdii Afrika ay maskaxdooda ku soo koobmatay Sawir.

Obama iyo Marwadiisa ayaa si aad u mashquuliyay Madaxda Afrika wallow ay kuwa Afrikaanka ku qanacsan yihiin Sawirka hadana waxaa Arrintaasi sumcad dari u arka Bulshada Afrika maadama ay farxad u arkaan Sawir ay la galaan Marwada Obama !! waxa ayna ka turjumeysaa in maanka Afrikaanka uu la egyahay quudin iyo tamashleyn, waxaana Hol caayo dalalkii ay ka talinayeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada