Daawo Sawirada:- Maamulka Ximan iyo Xeeb oo kusoo biiray heshiiska Maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee Dalka Soomaaliya

Daawo Sawirada:- Maamulka Ximan iyo Xeeb oo kusoo biiray heshiiska Maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee Dalka Soomaaliya

daajis.com:-Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ku soo biiray Heshiishka Maamul-u-samaynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo ay garwadeen ka tahay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Munaasabad ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ayuu ku saxiixay Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb C/laahi Maxamed Baarleex heshiiska.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo kulanka ka hadlay ayaa ku tilmaamay heshiiska ay gaareen dhinacyadani inuu yahay horrumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- heshiisiinta iyo asaaska nidaam federaal ah oo ay yeelato Soomaaliya, waxana uu xusay in dhammaan golayaasha Dowladdu wadajir ay u taageerayaan heshiiskan in uu taabo galo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomalaiya ayaa kelmed ka jeedinayay madasha, Wuxuna yiri:

“Waxaan u mahadcelinayaa dadkii dadaalka u galay howshaan in ay soo dhammaato oo qeybtii u dambeysay maanta lagu soo xiray madashan, waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ximan iyo Xeeb oo garasho iyo bisayl la timid kuna soo biirtay walaalahood si ay u dhistaan maamulka cusub ee gobollada dhexe oo noqon doona tiirarka waaweyn ee Federaalka, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Galmudug iyo Ahlusunna Wal-jamaaca oo walaalahood soo dhaweeyay”

Ugu dambeyn waxaa kulanka maanta dhinacyadu ku go’aamiyeen go-gosha lagu dhisayo maamulka Gobollada Dhexe in lagu qabto degmada Cadaado halkaas oo laga sii amba qaadi doono dhamaystirka Maamulka Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada