Daawo Sawirada :- Ciidamada Nageria oo Gowracaya kadibna god ku aasaya Dagaalyahano katirsan Boka Haram

Daawo Sawirada :- Ciidamada Nageria oo Gowracaya kadibna god ku aasaya Dagaalyahano katirsan Boka Haram

daajis.com:-Sawirro ay soo bandhigtay hey’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa waxaa ka muuqanaya ciidanka Nigeria oo si arxan darro ah u dilaya laba nin oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen kooxda Boko Xaaraam ee dalkaasi ka dagaalama.

Sawirada ayaa waxaa ka muuqda askari midi dheer wata oo dhinaca ka taagan nin kamid ah raga la dilayo oo jilba jabsan god dhinaciisa si loogu aaso marka qoorta laga jaro, waxaa kale oo ka muuqda nin lugaha iyo gacmaha laga hayo si loo gowraco halka sawir kalana uu muujinayo iyada oo lagu tuurayo godka kadib markii la bireeyay.

Sawirada ayaa waxaa kamuuqda sidoo kale dad badan oo lasoo qabtay oo xabad xabad loo jiifiyay si aad ahna loo garaacayo

Amnesty International waxa ay sheegtay in ciidanka qalabka sida ee Nigeria ay galeen denbiya dagaal inkasta oo wasiirka gaashandhigga uu sheegay in ay baarayaan muuqaalkaasi oo la qaaday bishii March ee sanadkaan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada