Daawo Video:- Ciidamada Amaanka oo Saakay hawlgal ka fuliyay Suuqa Bakaaraha

Daawo Video:- Ciidamada Amaanka oo Saakay hawlgal ka fuliyay Suuqa Bakaaraha

daajis.com:-Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta howlgal ay ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxa ay kusoo qab-qabteen ku dhawaad 40-ruux.

Howlgalkaan oo ahaa mid amniga Suuqa Bakaaraha lagu xaqiijinayay, ayaa waxaa fuliyay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya  waxaana ay ka sameeyeen Suuqa gudihiisa, gaar ahaan Sarta Cali Dheere, Nawaaxiga Dahablaha, iyo Suuqa Daawada.

Intii ay ciidamada howlgalka wadeen, waxa ay gacanta kusoo dhigeen dad gaaraya 40-ruux oo uu ku jiro shaqsi hubaysnaa oo watay Bistoolad, kaasi oo la sheegay in baaritaan gaar ah lagu hayo.

Howlgalkaan ayaa ahaa mid kedis ah, waxaana uu biloowday Saacada markii ay aheyd 10:00 barqanimo xilliga Magaalada Muqdisho, waxaana sameeyay howlgalka ciidamada Dowladda kaliya.

Suuqa Bakaaraha, ayaa muddooyinkaan dambe wuxuu ahaa mid wanaagsan ammaankiisa oo aysan ka dhicin dilal qorsheysan.

Dowladda ayaa mudadan danbe waxa ay dar dar galisay hanashada Amniga caasimadda Muqdisho.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada