Dowlad Goboleedka Puntland oo ka hadashay Ismiidaamintii lagu dilay (C/raxmaan Muslim)

Dowlad Goboleedka Puntland oo ka hadashay Ismiidaamintii lagu dilay (C/raxmaan Muslim)

daajis.com:-Ku xigeenka ciidanka Booliiska Gobalka Bari ee Maamulka Puntland, ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu dilay Taliyihii ciidamada Booliiska Gobalka Bari

Axmed Yuusuf Muuse oo ah ku xigeenka Taliyaha qeybta Booliiska Gobalka Bari ayaa usheegay Warbaahinta in khasaaraha ka dhashay qaraxaasi Ismiidaaminta ahaa uu gaarayo dhimashada 6-ruux oo ay ku jiraan Saraakiil sar sare.
 
Taliye kuxigeenka Booliiska Gobalka Bari, wuxuu sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen Sarkaalkii Booliiska Gobalka Bari ugu sareeyay iyo Sarkaal ka tirsan qeybta Canshuuraha Gobalka Bari iyo qaar kamid ah ciidamada ilaalada Taliyaha.
 
Wuxuu sheegay in Arintan aysan waxba udhimi doonin howlaha dhanka ammaanka ee Gobalka Bari, ciidamada Booliiskana la geliyay heegan buuxa oo ku aadan xaqiijinta ammaanka Boosaaso iyo deeganada kale ee uu maamulka ka taliyo.
 
Xalay Magaalada Boosaaso gudaheeda, waxaa lagu arkaye ciidamo ka tirsan Maamulka oo gaafwareegayay gudaha Magaalada, kuwaasi oo xaqiijinayay ammaanka Boosaaso.
 
Xaalada Magaalada Boosaaso ayaa saaka degan, dadka ayaa hadal haaya weerarkii shalay ka dhacay Magaalada ee Taliyihii ciidanka Booliiska Gobalka Bari lagu dilay.
 
Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka lagu dilay Sarkaalkii ugu sareeyay Booliiska Gobalka Bari, waxa ayna ku sheegeen in umadda Islaamka ay ka hor wareejiyeen Col. Muslim oo ahaa Taliyaha weerarka lagu dilay.
 
C/raxmaan Cali Cabaas (C/raxmaan Muslim) ayaa ahaa Shaqsi aad ula dagaalami jiray Ururka Xagjirka ah ee Al shabaab, waxa uuna Rag badan oo ka tisanaa Ururkaas uu ku xir xiray Xabsiyada.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada