Shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka oo si rasmi ah u furmay

Shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka oo si rasmi ah u furmay

daajis.com:-Shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka ayaa shalay ka furmay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, iyadoo ay ka qayb galayaan ilaa 50 madaxweyne oo Afrikaan ah.

Shirka waxaa ka maqan madaxweynayaasha Zimbabwe, Sudan, Jamuuriyadda Afrikada dhexe iyo Eretaria, kuwaasi oo aan siyaasad wanaagsan kala dhexeyn mareykanka.

Waxaa shirk aka qayb galaya madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo iyagu ka mid ah madaxda Afrikaanka ee lagu casuumay shirka.

Shirka ayaana socan doono muddo saddex maalmood, waxaana mareykanku inta uu socdo shirka ku dhawaaqi doono malaayiin doller oo uu ku maalgashanayo Afrika.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada