Wariyeyaal loo haysto argagixisonimo oo lagu maxkamadeeyay Addis Ababa

Wariyeyaal loo haysto argagixisonimo oo lagu maxkamadeeyay Addis Ababa

daajis.com:-Dowladda Itoobiya ayaa dib u dhigtay Wariyeyaal iyo Qorayaal loo haysto inay xiriir la leeyihiin kooxo argagixiso oo ka howlgala dalkaasi.

Wariyeyaashaan oo maxkamad lagu soo taagay magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ay tiradooda gaaarayaan Sagaal, kuwaasi oo wax ku qora baraha bulshada, waxaana lagu magacaabaa qeybta 9-aad.

Waxaa lagu eedeynayaa inay ku lug lahaayeen falal argegixisanimo oo dhacay, iyagoo eedeyntaasina iska fogeeyay.

Maxkamaddeynta Wariyeyaashaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay dadweyne fara badan iyo dad kale oo dalka dibadiisa ka tegay una dooda xaquuqda aadanaha.

Guddiyada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dowladda Itoobiya ku eedeynayo in sharciyada argegixisanimada ay u adeegsanayso inay ku cabburiso xorriyadda saxaafadda.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa Midowga Yurub waxay ugu baaqeen dawladda Itoobiya inay hubiso in maxakamadaynta raggan ay u dhacdo si hufan oo caddaalad ku salaysan.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada