Daawo Sawirada:- Qaraxii ismiidaaminta ee lagu dilay Taliyihii Booliska gobolka Bari iyo Taliyihii Canshuuraha

Daawo Sawirada:- Qaraxii ismiidaaminta ee lagu dilay Taliyihii Booliska gobolka Bari iyo Taliyihii Canshuuraha

daajis.com:-Ninka Qaraxa gaystay ayaa la sheegay inuu isku soo rakibay walxaha Qarxa, waxaana uu toos u beegsaday gaari ay saarnayeen taliyihii ciidanka qaybta gobalka Bari, C/raxmaan Cali Cabaas (Muslim), iyo Taliyihii laanta canshuuraha Ibraahim Maxamuud Sulaymaan.


Wuxuu qaraxan ka dhacay afka hore ee saldhiga booliska Boosaasi abaaro 5 galabnimo oo wax la jiraan.

Waxaa goobta soo gaaray Wasiirka Dekadaha Gadiidka Badda iyo Ladagalanka Burcad badeeda C/llahi Jaamac Saalax ayaa u tacsiyeey saraakiishii ku dhimatay qaraxa, waxaana uu ciidamada ka codsaday inay qaadan talaabo looga jawaabayo falkaasi.

Guddomiyaha gobalka Bari C/samed Maxamed Galan ayaa docdiisa xusay in falalka noocani oo kale ah aysan waxba udhimi doonin dadaalka ay ciidamadu ugu jiraan sugida nabadgelyada gobalka Bari, waxaana uu intaa kudaray in ciidamadu samayn doonaan baaritaano ku aadan arrintaan.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada