Ciidamada Dowlada oo Maanta Muqdisho ku dilay Nin hubeesan oo dilay Askari katirsan Ciidanka Dowlada

Ciidamada Dowlada oo Maanta Muqdisho ku dilay Nin hubeesan oo dilay Askari katirsan Ciidanka Dowlada

daajis.com:-Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa maanta agagaarka Wasaarada Gaashaandhiga ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin la sheegay in uu hubeesnaa uuna dil u geestay askari katirsanaa Ciidanka Dowlada.

Goob joogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay nin Bistoolad ku hubeesnaa oo watay Mooto in uu agagaarka Wasaarada Gaashaandhiga ku dilay Askari katirsan Ciidanka Dowlada oo halkaasi marayay ,iyadoona dilka kadib ninkii hubeesnaa uu isku dayay in uu baxsado.

Ciidamo katirsan Dowlada oo ka agdhawaa halka uu dilku ka dhacay ayaa durba gaari Cabdi Bille ah ku eryaday ninkii Hubeesnaa ee watay Mootada , Ciidamada Dowlada ayaana ugu dambeyn toogtay ninkii hubeesnaa ee dilay Askariga katirsan Ciidanka Dowlada.

Maalmo kahor ayey aheed markii Ciidamada Dowlada Magaalada Muqdisho sidan oo kale ugu dileen labo nin oo lagu eedeeyay in ay dileen Sargaal katirsan Ciidanka Nabad Sugida kuwaa oo dilka kadib isku dayayay in ay baxsadaan .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada