News:- Dhulgariir dad badan ku dilay Shiinaha

News:- Dhulgariir dad badan ku dilay Shiinaha

daajis.com:-Ugu yaraan 381 qof ayaa ku dhimatay dhulgariir xooggan oo ku dhuftay dhulka miyiga ee gobolka Yunnaan ee koonfur galbeed dalka Shiinaha.

Howlwadeenada gurmadka ayaa isku dayaya in ay halkaasi geeyaan waxyaabaha sida aadka ah loogu baahan yahay, sida teendhooyinka, bustooyin iyo cunno, balse waxa ay la harjadayaan sidii ay ku gaari lahaayeen qaar ka mid ah magaalooyinka ku yaala gobolkaasi buuraleyda ahi.

Kooxaha gurmadka ayaa habeenkii oo dhan ku howlanaa dayactirka waddooyinka kaliya ee gala deegaanka sida ba'an uu ugu dhuftay dhulgariirkii Axadda.
Hasayeeshee, roob aan kala joogsi laheyn iyo dhul go' soo laablaabtay ayaa ka hakiyay howlwadeenada gurmadka in ay gaaraan tobanaan kun oo qof oo uu saameeyay dhulgariirkaasi.
Inta badan dadkii ka badbaaday dhulgariirkaasi ayaa ku howlan dedaalka samatabixinta, iyagoo burburka hoostiisa ka baadigoobaya dadka la la'yahay ama dhintay.

Mid ka mid ah haweenka deegaanka oo oynaysa ayaa sheegtay in tuuladeeda ay u eg tahay goob lagu dagaalamay, iyadoo dhulka ay daadsan yihiin maydadka iyo burburka guryaha.
Deegaankani ayaa caan ku ah dhulgariiryo baaxad leh, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in ay dareemeen in dhulgariirkaasi uu xoog badnaa.
Hal magaalo oo kaliya, ayaa waxaa burburay saddex meelood laba meel guryihii halkaasi ku yaallay muddo tobaneeyo sano ah, iyadoo haatan ay magaaladaasi u muuqato mid aan la dayactiri karin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada