News:- Israa’iil oo xabbad joojin ku dhawaaqday

News:- Israa’iil oo xabbad joojin ku dhawaaqday

daajis.com:-Israa’iil ayaa Marinka Gaza kaga dhawaaqday waxa ay ku tilmaantay xabbad joojin dhanka bini’aadanimada ah oo socon doonto muddo toddobo saacadood ah, taasi oo billaabanayso saaka oo Isniin ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Israa’iil ayaa sheegay in xabbad joojinta aanay ka jiri doonin magaalada Rafax ee koonfurta Gaza, Israa’iilna ay is difaaci doonto haddii la soo weeraro.
Kal hore, xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, ayaa si xooggan u cambaareeyay duqeyn dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay meel u dhow iskuul ay maamusho Qaramada Midoobay oo ku yaal Marinka Gaza, waxa uuna weerarkaasi ku tilmaamay “Mid niyad jab ah isla markaana ah fal dambiyeed”.
Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay in uu ka argagaxay waxa uu ku tilmaamay duqeynta arxan darrada ahi.
Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in duqayntaasi ay ku dhinteen ugu yaraan toban qof.
Afhayeen u hadlay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka Chris Gunness, ayaa sheegay in loo baahan yahay in weerarkaasi lagu sameeyo baaritaan deg deg ah.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegaya in ay bartilmaameedsanayeen saddex ka mid ah dagaalyahanada Islamic Jihad oo saarnaa mooto maraysay meel u dhow iskuulkaasi Qaramada Midoobay, islamarkaana ay baarayaan sida ay wax u dhaceen.
Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi oo magaalada Qaahira booqday Axaddii ayaa ugu baaqay labada dhinac ee Israa’iil iyo Xamaas in ay ogolaadaan qorshaha nabadda si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada