Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada oo sheegay inay seeftu dul taalo shaqaalaha Dowladda Soomaaliya

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada oo sheegay inay seeftu dul taalo shaqaalaha Dowladda Soomaaliya

daajis.com:-Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa waxa uu digniin adag u jeediyay dhammaan Shaqaalaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ee dalka ka hawlgala.

C/raxmaan Maxamed Tuuryare oo Talaadadii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu bidhaamiyay in laamaha ammaanka ay helayaan, xoggo muujinaaya inay jiraan shaqaale ka tirsan Dowladda oo wada shaqayn la leh Ururka Al Shabaab.
Gudoomiyaha, ayaa waxa kaloo uu sheegay in wax khalad ah ay tahay in Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda qaarkood, ay macluumaad la wadaagaan Ururka xagjirka ah ee Al Shabaab, cidii ay ku cadaatana ay tallaabo adag ka qaadi doonaan.
Sidoo kale wuxuu bidhaamiyay in Shabaabka ay ka daran yihiin kuwii Dowladnimada lagu aaminay ee hadana xiriirka dhow la leh Ururkaasi, isla-markaana ay mudan yihiin in lagu qaado xukuno ka culus, kuwa lagu qaado argagaxisada.
Waxa uu ku goodiyay in seefta Maxkamada Ciidamada Qalabka ay bilaa gal tahay, isla-markaana ay qaadi doonto Shaqaalaha iyo Ciidamada Dowladda, ee wada shaqaynta la leh Al Shabaab.

C/raxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa markale ku hanjabay inanay cidina kaga ganban doonin difaacida dalka iyo dadka Somaliyeed, ayna sii wadi doonaan tallaabada ay ku ciqaabayaan kuwa nabadda mugdiga gelinaaya.
Tuuryare waxa uu waalidiinta Somaliyeed dhankoodu ugu baaqay inay soo sheegaan ubadkooda ka tirsan Shabaabka, si noloshooda loogu badbaadiyo, haddii ay ka gaabiyaana ay ciqaabi doonaan, marka ay u soo gacan galaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada