Layaab:- Wareer haku daayo:Walaalo ku adkeysanaya iney is qabayaan iyagoo og iney wada dhasheen.

Layaab:- Wareer haku daayo:Walaalo ku adkeysanaya iney is qabayaan iyagoo og iney wada dhasheen.

daajis.com:-Tani waa qiso ka dhacday dalka Brazil taas oo dad badan ka yaabisay waxaana ay tahay sheekada isbuuca ugu aqriska badneyd.

Ma ahan Filim Mareykan ama mid hindi ah balse waa dhacdo dhab oo ku dhacday walaalo wada dhashay.

Haweeney ayaa raadineysay mudo dheer hooyadeed ka luntay inta ay raadinteeda ku jirtay waxaa ay isbarteen oo ay is guursadeen walaalkeed oo aysan aqoon isu laheyn.

Adriana oo jirta 39 sano iyo ninkeeda ahna walaalkeeda Leandro oo 37 jir ah ayaa is qabay oo ay wada noolaayeen toddobo sano ah waxaana ay dhaleen gabar lix jir ah.

Brazil ayey u dhasheen labadoodaba waxaana ay diideen in shaaciyaan magaca qoyskooda iyadoo jirto taas hadana waxaa ay raadinayeen hooyadooda taas oo labadoodaba ay u garanayaa halmagac waana Maria.

Sababta ugu weyney ee walaalahan iyagoo walaalo ah ay isku garan waayeen ayaa ah iney kala tageen caruurnimadoodii markaas oo wali ilmo yar ahaayeen.

Laakiin markii ay soo shacbaxday toddobaadkan in qofka labadoodaba ay raadinayaan uu yahay mid uun oo ah hoooyadood ayey sawiran waayeen waxa dhacaya.

Adriana ayaa aheyd haweeneyd waxyaaba dumarka ay isku qurxiyaan iibisa ma aysan arkin hooyadeed tan iyo markii ay ka tageysa guriga oo ilmo yar aheyd halka walaalkeed marna ninkeeda uu isagana lamid yahay.

Leandro ayaa isagana iska joogay magaaladiisii uu ku dhashay ee Sao Paulo ee koonfurta Brazil, Adriana magaalo kale ayey ku nooleyd halkaas ayaan lagu guursaday 15 jirkeedii seddex caruurna ay ku dhashay laakiin waa ay kala tageen ninkeedii.

Kadib walaalkeed guursan raba ayey Markii ugu horeysay kulmeen 10 sano ka hor markaas oo ay Adriana ku soo laabatay magaaladii walaalkeed uu joogay iyadoo raadineysa hooyadeed,isbarasho jaceel ayaa yimid waana ay mideeyeen hadafkooda oo ay is guursadeen.


Ilaa iyo hada ma aysan ka harin raadinta hooyadood,bishii hore Adriana ayaa goosatay iney la xiriirto raadi ku yaala halka ay ku nooshahay si ay garab ugu siiyaan helida hooyadeed waana loo baafiyay.

Markii ay ogaadeen iney wada dhasheen oo ay yihiin wiil iyo walaashii ayey Adriana is celin weysay oo ku adkeysatay in ninkeeda uu sii ahaanayo Leandro iyadoo og inuu la dhashay waxaana ay tiri” idinkama rumeysanayo inaad tani ii sheegtaan, Leandro waa ninkeyga.

Dhamaadka wareysiga laga qaadayay ayey Adriana tiri”hada waxaan ka baqayaa markan guriga tago Leandro inuusan ii raboonin sidii hore,Aad ayaan u jeclahay isaga.

Adriana iyo Leandro oo aan sharci isku guursanin ayaa shalay u sheegay Radio Globo iney sii wada joogayaan xili ay ogyihiin iney walaalo yihiin.

Adriana oo ah walaasha wiilka marna xaaskiisa ayaa ku hanjabtay”kaliya dhimasho ayaa nakala geyn karta tani waa wax uu rabi qadaray ayey ku dartay hadalkeeda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada