Madaxweyna:- Xasan Sheekh oo shaaca ka qaaday in Xubno katirsan Kooxda Boka Haram ay yimaadeen gudaha Somalia

Madaxweyna:- Xasan Sheekh oo shaaca ka qaaday in Xubno katirsan Kooxda Boka Haram ay yimaadeen gudaha Somalia

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Kooxda Boka Haram ee ka dagaalanta Dalka Nageria xubno katirsan ay yimaadeen gudaha Soomaaliya ayna tababar ciidan ku qaateen

Madaxweynaha oo Khudbad ka jeedinayay Machadka Nabada iyo Siyaasada Dalka Mareykanka ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya ay yimaadaan xoogag wadamo badan ka yimid kuwaa oo u yimaada Soomaaliya sidii ay tababar ugu qaadan lahaayeen ayna uga bar bar dagaalami lahaayeen Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa xusay in Kooxda Boka Haram ee xariirka la leh Al-Qaacida kana dagaalanta Dalka Nageria xubno katirsan ay yimaadeen Gudaha Soomaaliya , waxa uuna intaa raaciyay in Al-Shabaab ay tababar siiyeen xubnahaasi Boka Haram katirsaan oo qaarkood dib ugu laabtay Dalkooda.

”Somalia waxay noqotay halka ay iskaga tilaabaan kooxaha Al-Qaeda Xiriirka laleh,iyagoo doonaya qaarada Africa iyo Asia iney ukala gooshaan , Waxaan helnay xog ah in Kooxda Boka Haram xubno katirsan ay Soomaaliya yimaadeen ayna ku qaateen tababar”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Kooxda Boka Haram oo ah koox Islaami ah kana dagaalanta Gobolo kuyaala Dalka Nageri ayaa aaminsan Fikirla Kooxda AL-Qaacida , waxa ayna kooxdan Dalkaasi ka geestaan Qaraxyo , Dilal iyo Afduub loo geestyo gabdhaha iyo dadka kale ee kasoo horjeeda Dhaqankooda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada