Madaxweynaha D.F Somaliya oo sheegay in cudurka Ebola ay Somalia taxadar wayn ugu jirto

Madaxweynaha D.F Somaliya oo sheegay in cudurka Ebola ay Somalia taxadar wayn ugu jirto

daajis.com:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud,oo hadda ku sugan Dalka Maraykanka ayaa wuxuu warbaahinta wadankaas u sheegay khatarta Soomaaliya kaga imaan karta cudurka halista ah ee Ebola ay aad u yartahay.

Ebola waxa uu markiisii ugu horeysay uu ka dilaacay dalka Guinea ee Afrikada Galbeed, ilaa uu markii dambe ku baahay dalalka Laberia iyo Sierra Leone, iyadoo ay ugu geeriyoodeen ilaa 700 oo ruux, waana tiradii ugu badneyd ebid ee ugu geeriyooto cudurkaasi.
 
Isagoo caawa Madaxweynaha Somaliya khudbad ka jeedinaayay shirka Mareykanka iyo Afrika kaga soconaayo Magaalada Washington, ayuu ka sheegay in Somaliya ay masaafo badan u jirto dalalka uu iminka halakeeyay Ebola. Isla-markaana uu cudurkaasi Somaliya ugu soo fidi karo oo qura, iyadoo leeskugu safro labada dhinac.
 
Madaxweynaha, ayaa xusay in Somaliya iyo saaxiibadeed ay durbaba qaadeen tallaabooyin looga gaashaamanaayo inaanu Ebola wax saamayn ah ku yeelan bulshada Somaliyeed iyo Xoogaga Amisom.
 
Madaxweynaha waxa uu Amisom ku ammaanay in si weyn uga feejigan tahay in cudurka Ebola uu soo gaaro dalka Somaliya, iyadoo ay markaasi soo gaarsiinayaan Ciidanka Amisom. Somaliya waxaa jooggo Ciidan ka socdo dalalka Sierra Leone iyo Nigeria, oo labada dhaca Galbeedka Afrika.
 
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa xusay in Dowladdiisu ay aqoonsan tahay dhibaatada uu lee yahay cudur Ebola iyo waxa uu ku hayo saxiibo badan oo Afrikaan ah, ha yeeshee ay u istaageen sidii loo taageeri lahaa dalalka uu riiqay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada