Mareykanka oo ku dhawaaqay in maalgashigi ugu ballaarnaa uu Afrika ka sameyn doono

Mareykanka oo ku dhawaaqay in maalgashigi ugu ballaarnaa uu Afrika ka sameyn doono

daajis.com:-Madaxweynaha Mareykanka Barak Obama ayaa shirka madaxda Afrika ee ka socda Mareykanka kaga dhawaaqay lacag dhan 33 bilyan oo doller oo ay Afrika ugu deeqeen islamarkaana maalgashi ugu sameyn doonaan qaaradda Afrika.

Madaxweyne Obamaa ayaa khudbad dheer uu ka jeediyay shirka madaxda afrika kaga dhawaaqay lacagtaan 33-da bilyan ee doller oo ay Afrika ku maalgelin doonaan.

Obama ayaa sheegay in lacagtaan inta badan awoodeeda uu ku bixin doono dhanka korontada oo helaan xaafadaha iyo wadooyinka Afrika iyo mashaariic kale duwan oo dhinaca ganacsiga ah.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu fulin doono ballanqaadyadi Mareykanka ee Afrika iyo inuu mareykanka 300 milyan oo doller iyo 12 bilyan oo doller oo ah ballanqaadyo cusub uu afrika siin doono sanadkasta.

Lacagahaan uu ku dhawaaqay Mareykanka ayaa jawaab u ah mashaariicda dalka shiinaha uu kawado Afrika, inkastoo mareykanku uu sheegay inuusan jawaab u ahayn shirkaan shiinaha iyo Japan.

Dalka Shiinaha ayaa Afrika ka sameeyay mashaariicyo ganacsi oo ballaaran,iyadoo sidoo kale shiinaha ay shaqeeyeen dhisidda wadooyinka iyo isbitaallo oo ay Afrika ugu deeqeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada