Madaxweyne Barack Obama oo maanta la kulmaya Hogaamiyeyaasha Qaaradda Afrika

Madaxweyne Barack Obama oo maanta la kulmaya Hogaamiyeyaasha Qaaradda Afrika

daajis.com:-Isniinta Maanta ah ayaa lagu wadaa in dalka Mareykanka uu ka furmo shirka u dhaxeeya Hogaamiyeyaasha dalalka qaaradda Afrika iyo Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama, shirkaasi oo looga hadlayo dhaqaale kobcinta iyo arimaha siyaasada Afrika.
 
Hogaamiyeyaal badan oo Afrikaan ah ayaa kusii qul-qulayaa dalka Mareykanka, waxaana xubnahasi kamid ah Hogaamiyaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
 
Muhiimada Shirka udhaxeeya Mareykanka iyo Hogaamiyeyaasha Afrika, ayaa waxa ay tahay in laga hadlo horumarka dalalka Afrika, dhibaatooyinka ka jira iyo sidoo kale sidii looga hortagi lahaa cudurka halista ee hada ka jira Galbeedka Afrika ee Ebola.
 
Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya C/raxmaan Du’ale Bayle ayaa sheegay inay isku diyaariyeen ka qeybgalka shirka madaxda Afrikaanka iyo Madaxweynaha dalka Mareykanka.
 
Wuxuu sheegay in Shirkaan ahmiyad gaar ah uu uleeyahay dhanka Soomaaliya, maadaama ay jiraan baahiyo kala duwan oo ka jira gudaha dalka ayna u baahan yihiin in Mareykanka ay kala hadlaan.
 
Sidoo kale Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya Du’ale Bayle ayaa sheegay in kulamo gaar-gaar ah ay la yeelan doonaan Hogaamiyeyaasha Afrika iyo Madaxweynaha Soomaaliya, waxa ayna kawada hadli doonaan arimaha Soomaaliya.
 
Mareykanka iyo China ayaa loolan xoogan ugu jira sidii Qayraadka ku jiro dalalka afrika ay uga macaashi lahaayeen, sanadkii hore Bilawgiisi ayay ahayd markii wadanka Chiinaha uu u qabtay Wadamadda qaarada africa kulan sidaan oo kale ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada