Howlgallo lagu soo qabtay dhalinyaro lagu tuhmayo Al-shabaab oo ka dhacay Afgooye

Howlgallo lagu soo qabtay dhalinyaro lagu tuhmayo Al-shabaab oo ka dhacay Afgooye

daajis.com:-Ciidamada Booliska ee dowladda Soomaaliya ayaa degmada Afgooye xalay ka sameeyay howlgallo ay kusoo qab-qabteen dhalinyaro lala xiriirinayo ururka Al-shabaab.

Booliska degmada Afgooye ayaa howlgalladaan xalay kusoo qab-qabtay ilaa 20 dhalinyaro ah oo lagu tuhmayo al-shabaab, kuwaasi oo xalay qaar ka mid ah laga soo qabtay magaalada, halka kuwa kale na laga soo qabtay xafaadahooda.


Dhalinyaradaan howlgalka lagu soo qabtay ayaa xalay ku hoyday saldhigga degmada Afgooye, halkaasi oo su’aalo lagu weeydiinayo inay shabaab ka tirsan yihiin iyo inkale.

Ciidamada ayaa siideynayo qofki la xaqiijiyo inuusan Al shabaab ka tirsanayn, halka kii lagu tuhmana inuu xiriir la leeyahay ama ka tirsan lagu heyn doono saldhiga booliska ee degmada Afgooye.

 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada