News:- Suxufiyada Faadumo Taxadar oo Maantra Dib Xoriyadeedii loo siiyay

News:- Suxufiyada Faadumo Taxadar oo Maantra Dib Xoriyadeedii loo siiyay

daajis.com:-Ciidanka Booliska ka hawlgala Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, ayaa saacado ka dib waxay dib u sii daayeen Faadumo Yuusuf Saciid (Taxadar), oo ka mid ah Suxufiyiinta ka hawlgasha Deegaanada Puntland. 

Suxufiyada waxaa xalay laga kaxaystay hotelkii ay ka degganeyd Magaalada Garoowe, ka dib markii Lagu soo amray Ciidanka Booliska in ay soo xiraan, waxaana sida la sheegayo ay u geysteen jirdil .
 
Inkastoo dib xoriyadeeda loo siiyay Suxufiyada, ayaa waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay Booliska Puntland, oo ay ku cadeynayaan baahida keentay in Suxufiyada xoriyada laga qaado.
 
Khadra Degan oo ay xalay wada jooggeen markii la soo xiraayay Faadumo Yuusuf, ayaa waxay sheegeysaa in xarigeedu ay u maleynayaan mid salka ku haaysa, iyadoo Warbixin ka soo tebisay dhacdadii maalin ka hor lagula wareegay Xarunta Telefishinka Puntland ee Magaalada Garoowe.
 
Khadra waxay ku andacooneysaa in Faadumo oo kaliya aysan Warbixin ka soo tebin la wareegitaanka Xaruntii Telefishinka Puntland, taana ay kala mid ahayd Suxufiyiinta Garoowe ku sugan oo idil.
 
Faadumo iyo Khadra waxay ka mid yihiin kooxo Suxufiyiin ah oo maalmo ka hor ka yimid Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
 
Ururada Saxaafada ee dalka ka hawlgala, ayaa cambaareeyay xariga iyo jirdilka ka dhanka ah Suxufiyada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada