Shacabka Turkiga:- oo markii ugu horreysay maanta madaxweyne dooranaya

Shacabka Turkiga:- oo markii ugu horreysay maanta madaxweyne dooranaya

daajis.com:-Ilaa 53 Milyan oo ka mid ah muwaadiniinta dalka Turkiga ayaa maanta oo axad ah u dareeraya sanaadiiqda cod bixinta si ay usoo doortaan madaxweyne markii ugu horreysay taariikhda dalkaas.
Taariikhda dalka Turkiga waxaa madaxweynahadooran jiray baarlamaanka, hase ahaatee wixii hadda ka dambeeya waxaa dooran doona shacabka.
Waxaa doorashadan ku tartamaya ilaa 3 musharrax oo kala ah: R/wasaaraha xilligaan, Recep Tayyip Erdoğan, Xoghayihii guud ee hore ee Ururka Iskaadhiga Islaamka (OIC), Ekmeleddin İhsan Oğlu iyo musharrax kazoo jeeda gobollada Kurdiyiinta oo lagu magacaabo Selahaddin Dmirattash.
Mas’uulkii hela codad dhan 50 lagu daray 1 ayaa noqon doona madaxweynaha dalka Turkiga, isagoo badeli doona madaxweynaha xilligaan ee Abdullah Gül. Natiijada doorashada ee manta ayaa la filayaa iney horudhac ahaan usoo baxdo berry oo isniin ah.
Waxaa loo badinayaa in xilkaas ku guuleysto R/wasaare Recep Tayyip Erdoğan, kaasoo xilkaas hayey tan iyo sandkii 2003,wuxuunaka socdaa xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka, oo dalkaas gaarsiiyey horumar weyn.
Ninka sida weyn ula tartamaya R/wasaare Erdoğan ayaa ah Ekmeleddin İhsan Oğlu oo ah71 jir u sharraxan labo xisbi oo kala ah: Xisbiga Shacabka ee Jamhuuriga ah ee bidixda dhexe (Republican People’s Party) iyo Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Wadaniyiinta ee midigta fog (Nationalist Movement Party).
Musharraxa Kurdiyiinta ee lagu magacaabo Selahaddin Dmirattash oo ah 41 Kurdi ah ayaa ka socda Xisbiga Shacabka ee Dimuquraadiga ah (People’s Democratic Party) ee garabka bidix.
Haddii wareega 1-aad ee doorashada uu mid ka mid 3-da musharrax keensan waayo natiijo dhan 50+1 waxaa lagu celin doonaa wareeg labaad oo ay ku tartamayaan labada musharrax ee ugu codadka badan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada