Taliska XDS oo shaaciyay 400 Saraakiil haysata darajooyin been abuur ah oo loo...

Taliska XDS oo shaaciyay 400 Saraakiil haysata darajooyin been abuur ah oo loo...

daajis.com:-Taliska Ciidamada XDS ayaa digniin kasoo saaray darajooyin been abuur ah oo saraakiil ka tirsan ciidamada haystaan, kuwaasi oo sidii ay doonaan u isticmaala.

Taliyaha Ciidamada XDS Jen. Daahir Aadan Cilmi `indha Qarshe` ayaa Saxaafadda u sheegay in Baaritaano ay sameeyeen ay ku ogaadeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada XDS oo haysta Darajo Been abuur ah.

Jen. Indha Qarshe ayaa sheegay in tirada saraakiisha darada been abuurka ah haysata ay tiradoodu dhan yihiin 400 sarkaal, isagoo tilmaamay in arintaasi guddi loo xilsaaray ay soo ogaadeen.

Wuxuu sheegay Taliye Indha Qarshe in arrintaas Golaha Wasiirada Soomaaliya ay u gudbiyeen oo ay ka sugayaan Jawaabta ku haboon in wax laga qabto.

Taliska ciidanka ayaa dhawaan shaqadii ka eryay saraakiil ciidan oo xilalkii ka xayuubiyay.


Dhinaca kale Taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay bilaaban doonaan wajiga Labaad ee howlgalka lagu ciribtirayo Al/Shabaab.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada