TopNews:- Xabbad joojinta Qaza oo dhaqan gashay

TopNews:- Xabbad joojinta Qaza oo dhaqan gashay

daajis.com:-Xabad joojinta ay ku dhawaaqeen Israa’iil iyo Xamaas ee Qaza ayaa dhaqan gashay, iyadoo Isra'iil ay ciidamadeeda kala baxday halkaasi.

Ilaa haatan lama jebin xabbad joojintan, oo la sheegay inay tahay xabbad joojin bani'aadannimo oo soco doonto muddo saddex maalmood ah.

Saraakiisha caafimaadka ee Qaza ayaa sheegaya in in ka badan 1800 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay colaadda socotay 29-ka maalmood, colaadaas oo sidoo kale lagu dilay 67 qof oo Isra’iiliyiin ah, oo askar u badan.

Sidoo kale waxaa la dilay qof u dhashay Thailand oo ka shaqeynayay gudaha Isra’iil.

Waxaa dhowr jeer oo hore lagu baaqay xabbad joojin balse kuwo yar ayaa hirgalay, iyadoo dhinacba dhinaca kale uu ku eedaynayay inuu jabiyay xabadd joointa.
Deegaanka Shajaaciyah oo ay ciidammada Israa'iil si xooggan u duqeeyeen

Qorshihii ugu dambeeyay waxaa Isniintii gudaha magaalada Qaahira kaga wadaxaajooday kooxo kala gadisan oo Falastiiniyiin ah, inkastoo wadaxaajoodkaasi aanay ka qeyb galin Israa’iil.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada