Dhageyso: Feysal Cali Waraabe Oo Cadeeyay in uu dhalay Wiilka Ku Biiray Daacish

Dhageyso: Feysal Cali Waraabe Oo Cadeeyay in uu dhalay Wiilka Ku Biiray Daacish

daajis.com:-Faysal Cali Waraabe, oo ah Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID ee Somaliland ayaa cadeeyay in wiil uu dhalay uu u dagaallamo kooxda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya ka dagaalanto.
Cajal muqaal ah oo ay soo saareen kooxda dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya, ee Daacish oo la soo dhigay baraha internet-ka, ayaa waxaa kasoo muuqday wiil dhallinyara ah oo Soomaali ah oo ka mid ah dadkii ka soo haajiray qurbaha ee ku biiray jihaadka, sida uu u yiri.
Wiilkaas ayaa isku magacaabay Abu Shucayb Al-Soomaali, balse magaciisa dhabta ah ayaa ah Sayid Xuseen Faysal.
Faysal waxaa uu sheegay in wiilkan horey loo waayay oo lagu arkay magaalada Hargeysa, kaddib markii uu ka soo dhuuntay Finland, waxaa uu sheegay in xaaladda Sayid Xuseen ay la socdeen, balse uu ka baxsaday.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada