daajis.com:-Waxaa Saldhigyada Magaalada Muqdisho buux dhaafiyay Waalidiinta dhalay Carruur farabadan oo aan la Ogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigeen.
Saldhigyada ayaa waxaa feel ugu jiro Waalidiinta Carruurtaasi dhalay oo iyagu kusoo nabdaaday haddalkii kasoo yeeray Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida C/raxmaan Tuuryare oo ahaa inaan la qaban doonin Carruur ka tirsan Alshabaab oo aan lala wadin waalidiintii dhalay.
Waalidiinta ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay iska soo Diiwaangalinayaan Saldhigyada Magaalada Muqdisho Maadaama Qaar kamid ah Waalidkaasi aan ilmahooda meel ku sheegin ama meel ay Jaan iyo Cirib dhigeen ay garan la yihiin.
Waalidiinta biloway inay is diiwaangalshaan ayaa iyagu Aaminsan In Caruurtooda ay ka Bar bar dagaalamayaab Xarakada Al shabaab.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Taliyayaasha Saldhigyada ayaa iyagu soo dhaweeyay dadaalka ay Waalidiintaasi kusoo diiwan galinayaan Carruurtooda ka bar-bar dagaalameysa Alshabaab.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:46 and have
, Published at