Gudoomiyaha Baarlamaanka oo danjiraha Switzerland iyo ergayga Q/midoobay la kulmay

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo danjiraha Switzerland iyo ergayga Q/midoobay la kulmay

daajis.com:-Gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Switzeralnd ee Soomaaliya iyo ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.

Kulanka uu gudoomiyaha Baarlamaanka la qaatay danjiraha Switzerland ee Soomaaliya Mr Dominik Langenbacher ayaa waxa ay kaga wada hadleen arimaha federaalka, iyadoo dalka Switzerland uu si aad ah ugu xeeldheeryahay federaalnimada.

Intii uu kulanka socday ayu gudoomiye Jawaari danjiraha uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka iyo horumarka haatan la dareemayo,iyadoo danjire Mr Dominik Langenbacher uu xusay in dowladiisu ay ka qayb qaadan doonto horumarka Soomaaliya.


Sidoo kale gudoomiyaha Baarlamaanka ahna ku simaha madaxweynaha dalka ayaa kulan la qaatay ergayga Qaramada midoobay ee Soomaaliya Mr Nicholas Kay,iyagoo kulanka kaga wada hadlay arimo badan oo ay ka mid tahay dedaaladda ay dowladdu wado iyo horumarka ay tiigsaneyso.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada