Ciidanka Maamulka Jubba oo dib ugu soo noqday Magaalada Kismaayo

Ciidanka Maamulka Jubba oo dib ugu soo noqday Magaalada Kismaayo

daajis.com:-Waxa ay weerar xoogan maanta Ciidamada Maamulka Jubba ku qaadeen Ciidanka Barre Hiiraale ee degan Deegaanka Goobweyn, dagaal culus kadib ayay Ciidamada Jubba dib kaga soo gurteen goobtii dagaalka.

Ciidamada Jubba oo wata gaadiidka dagaalka, ayaa waxay ka dhaqaaqeen Magaalada Kismaayo, sidaana ay ku weerareen Deegaanka Goobweyne, oo 11km u jirta Magaalada Kismaayo.
Dagaalka wuxuu ka dambeeyay markii maanta uu Barre Hiiraale boqolaal askari tababar ugu soo xiray Deegaanka Goobweyne, isla-markaana ay dhoola tus ciidan halkaasi ku soo bandhigeen.
Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka ee Jubbooyinka, ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Maamulka Jubba, ay dib ugu laabteen Magaalada Kismaayo.
“Maleeshiyada Raaskambooni oo wata 11 gawaarida dagaalka ah, ayay soo weerareen Goobweyn, waxayna kala kulmeen wixii ay filayeen, dib bayna ugu laabteen Kismaayo.” ayuu yiri Korneyl Aadan Axmed Xersi.
Korneyl Aadan Rufle waxa uu intaa ku daray in dagaalka uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, isagoo xusay in ugu yaraan laba askari ay ku dhimatay dagaalka, tiro kalana ay ku dhaawacantay, sida uu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay u diyaarsan yihiin in ay markale iska difaacaan Ciidamada Maamulka Kmg ah ee Jubba, haddii weerar rogaal celin ah ku soo qaadaan Deegaanka Goobweyn, sida uu yiri.
Saraakiisha Ciidamada Jubba, ayaan dhankooda ka hadlin dagaalka ay maanta Ciidamadoodu la galeen Ciidanka Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale).
Barre Hiiraale iyo Ciidamo uu wato ayaa waxaa Xoog looga soo saaray Magaalada Kismaayo, waxa ayna hadda ku sugan yihiin degaanka goobwayn mudo kabadan sanad.
Waxaa marar badan la isku dayey in la isku soo dhaweeyo labada Hogaamiye, Lakiin Barre Hiiraale ayaa ka soo horjeenstay waan-waanta.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada