Waajid:- Rag ka tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu soo dhigay.

Waajid:- Rag ka tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu soo dhigay.

daajis.com:-Guddoomiyaha Degmada Waajid ee Gobalka Bakool ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacanta ku dhigay rag Al Shabaab ka tirsan oo jidgooyooyin dhigtay wadooyinka soo gala Degmada Waajid.

C/laahi Aadan Yariisoow Guddoomiyaha Degmada Waajid ayaa tilmaamay in ragani ay soo qabteen, xilli ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya howlgal qorsheysan ay ku qaadeen goobo cayiman oo Shabaabka ku sugnaa.

Wuxuu sheegay inay gacanta kusoo dhigeen 10-dhalinyaro ah oo Kooxda Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo Isbaarooyin dhiganayay wadooyinka soo gala Degmada Waajid ee Gobalka Bakool.

Raga lasoo qabtay ayaa hada lagu haayaa Saldhiga Degmada Waajid, waxaana ku socota baaris sida uu leeyahay C/laahi Aadan Yariisoow Guddoomiyaha Degmada Waajid.

Ciidamada Dowladda ayaa xilliyada qaar ku dhaqaaqa deegaanada hoostaga Degmada Waajid, marka ay dadka deegaanka kusoo wargeliyaan in Shabaab ay halkaasi joogaan sida uu leeyahay Guddoomiyaha Degmada Waajid.

Majirto ilo ka madaxbanaan maamulka Degmada Waajid oo xaqiijinaya in raga ay sheegeen inay soo qabteen ay yihiin Shabaab isbaaro dhiganayay oo ku sugnaa duleedka Degmada Waajid.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada