WAR DEG DEG AH: Ciidamada Puntland oo hadda xabsiga dhigay Gabar saxafiyad caan ah

WAR DEG DEG AH: Ciidamada Puntland oo hadda xabsiga dhigay Gabar saxafiyad caan ah

daajis.com:-Ciidamada ammaanka Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa xalay xabsiga dhigay Wariye Faaduma Yuusuf (Taxadar) oo kamid ah Wariyeyaasha ka howlgala Warbaahinta deeganada Maamulka Puntland.

Ciidan hubaysan oo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ayaa gudaha u galay Hoteelka Sharaaqia ee Magaalada Garoowe, waxaana ay qolka ay daganayd ay kasoo saareen Faaduma Taxadar oo ay ka xeysteen.

Waxaan la ogeyn sababta ka dambeysay Xarigan Gabadhaan Suxufiyada ah ee Fadhigeeda uu yahay Magaalada Boosaaso , balse Magaalada Garoowe u joogtay doorashadii dhawaan ka dhacday Magaaladaasi ee lagu doortay Guddoomiyah Ururka Suxufiyiinta Puntland.

Wariye Faadumo Taxadar ayaan la ogeyn ilaa hada halka lala aaday iyo sababta rasmiga ah ee ka dambeysay xarigeeda, iyadoo Hoteelka lagala baxay ay la daganaayeen labo suxufi oo kala ah Khadro Degan oo Puntland Tv ka tirsan iyo Cabdi naaasir Daacad oo Kalsan Tv ka tirsan.

Wariyeyaasha qaarkood ayaa ku sheegaya sababta ciidamada ay u xireen Faadumo Taxadar inay tahay Wareysi ay siisay VOA oo ay uga hadashay weerarkii lagu qaaday Tv-ga Puntland maalin kahor.

Wariyeyaasha Soomaalida ayaa dhibane u ah maamulada dalka ka jira, iyagoo la kulma Dil, cagajugleyn, xadhig aan sharciyeysnayn iyo arimo kale oo badan.

Suxufiyiinta Puntland ayaa cambaareeyay falka ciidamada ammaanka Garoowe ay ku xireen Wariye Faadumo Yuusuf (Taxadar).

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada