WAR DEG DEG AH:- Weriyeyaal iyo idaacado ku yaalla Muqdisho oo la xiray

WAR DEG DEG AH:- Weriyeyaal iyo idaacado ku yaalla Muqdisho oo la xiray

daajis.com:-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay maanta xireen TVga iyo idaacadaha Shabeelle iyo Sky FM iyo siddeed qof oo ka howlgalayay.

Agaasimaha idaacadda Shabeelle Maxamed Muuse, oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay gudaha u galeen Idaacadaha Shabeelle, SkyFM iyo TV-ga Shabeelle, halkaas oo ay ka qaateen qalab ay ku jiraan kombiyutaro iyo miksarro, iyagoo xiray qaar ka tirsan shaqaalaha.
Idaacadaha iyo TV-ga Shabeelle waxay wada deggan yihiin dhisme ku yaalla agagaarka Km5 ee degmada Hodan, wuxuuna howlgalka lagu xiray dhacay xilli ay hawada ku jireen.
Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa xarigga shaqaalaha iyo idaacadaha, waxaase jira warar sheegaya in loo haysto barnaamij ay sii daayeen oo ku eedeynayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu weriyeyaasha Soomaalida ah ku tilmaamay kuwa la shaqeeya Al-Shabaab iyo warar dagaal kicin ah oo ay saaka baahiyeen.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada