Xasan Xanafi:- Eedeymaha loo heysto oo Maxkamada Militariga soo Bandhigtay

Xasan Xanafi:- Eedeymaha loo heysto oo Maxkamada Militariga soo Bandhigtay

daajis.com:-Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya, ayaa waxay maanta soo bandhigtay dacwado dhowr ah oo loo heysto Xasan Xanafi Xaaji, oo ka tirsan Xoogaga Ururka Al Shabaab.

Xasan Xanafi waxaa la rumeysan yahay in toddobaadkaan lagu qabtay Magaalada Nairobi, markii xoggo dhanka Sirdoonka ah ay isweydaarsadeen Sirdoonada Somaliya iyo Kenya.
Afhayeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida C/laahi Maxamed Muuse (Keyse), ayaa sheegaaya in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidamada, ay ka furayn kiis dacwadeed ka dhan ah Xasan Xanafi Xaaji.
Afhayeenka, ayaa sheegaaya in ay kiiskaan furayn ehelada qaar ka mid ah Suxufiyiin la tuhunsan yahay in uu dilalkoodu soo maleygay Xasan Xanafi.
Dacwadaha la soo gudbiyay ayaa kale ah.
Cali Iimaan Sharmaarke oo saami ku lahaa Shabakada Warbaahinta ee Horn Afrik, Agaasimihii hore ee Idaacada Horn Afrik Saciid Tahliil Axmed,Tafaftirihii hore ee Wakaalada Wararka ee Somaliya (SONNA) Sheekh Nuur Maxamed (Abkey) iyo rag kale oo badan.

C/laahi Maxamed Muuse, ayaa xusay in Xasan Xanafi lagu soo eedeeyay boob ka dhan ah qalab Warbaahineed, intii Shabaabku jooggeen qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale eedeymaha ka dhanka ah Xasan Xanafi, ayaa la rumeysan yahay in ay intaa ka badan yihiin, iyadoo maalmaha ina soo aadan, ay suurta gal tahay in qoysas kale ay dacwado ku soo rogayn.
Xanafi waxaa lala xiriirinayaa ku lug lahaanshaha dilalka toboneeyo Suxufiyiin ah loogu geystay Magaalada Muqdisho, sanadihii ugu dambeeyay.
Wariyaheena inooga soo warama Magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Xasan Xanafi si kastaba isugu dayayo sidii aan gacanta loogu galin lahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada