Ruushka:- oo Mamnuucay Cuntooyinka ka Imaado Mareykanka iyo Yurub.

Ruushka:- oo Mamnuucay Cuntooyinka ka Imaado Mareykanka iyo Yurub.

daajis.com:-Dowladda Ruushka ayaa mamnuucday cuntooyinka looga soo dhoofiyo dalalka Midowga Yurub iyo Maraykanka, waxayna uga aargudanaysa cunaqateynnada dalalkani ay saareen dalka Ruushka ee xiisadda Ukraine.

Ra'iisul-wasaaraha Ruushka, Dmitry Medvedev ayaa go'aankan maanta Mosco uga dhawaaqday, waxaana cuntooyinka la mamnuucay ku jira, hilibka, khudaarka iyo caanaha.
Sidoo kale cuntooyinka laga keeno Canada, Australia iyo Norway ayaa iyaguna ku jira kuwa Ruushka ay mamnuuceen.
Madaxweyne Putin saxiixay wareegto lagu mamnuucayo cuntooyinka laga soo dhoofiyo Yurub iyo Maraykanka muddo sannad ah.
Dadka wax falanqeeya ayaa sheegay in talaabadan ay halis galinayso macaamiisha Ruushka ee iyagu sida weyn ugu xidhan cuntooyuinka dibedda laga soo dhoofiyo.
Ra'iisal-wasaare Medvedev wuxuu sidoo kale sheegay in Mosco ay ka fikirayso inay mamnuucdo diyaaraddaha reer galbeedka ee dulmara hawada Ruushka duulimaadyada ay ku tagaan ama uga yimaadaan dalalka Asia.
Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa cunaqeytno xiriir ah ku soo rogay Ruushka, kaddib markii uu goostay gobolka Crimea ee bariga Ukraine iyo taageerada uu Ruushku siiyo mucaaradka gooni-u-goosadka bariga Ukraine.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada