WAR DEG DEG AH:- Qaraxyo goor dhow ruxay Magaalada Kismaayo iyo Faah-Faahino kala duwan oo kasoo baxeyso

WAR DEG DEG AH:- Qaraxyo goor dhow ruxay Magaalada Kismaayo iyo Faah-Faahino kala duwan oo kasoo baxeyso

daajis.com:-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in goor dhow halkaasi ay ka dhaceen Qaraxyo kala duwan.

Wararku waxa ay soo sheegayaan in Qaraxyada ay ahaayeen dhowr xabo oo loo adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso waxaana lala eegtay Ciidamada Maamulka KMG ah Jubba ee Magaaladaasi Kismaayo.

Qaraxa ayaa waxaa laga maqlaayay meelo kala duwan, waxaana la soo sheegayaa in Qaraxa kadib la maqlaayay Rasaas, iyadoona iminka ay goobta ku sugan yihiin Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Maamulka.

Weli lama Oga khasaaraha ka dhashay Qaraxa, balse warar hoose aan halkaasi ka heleyno ayaa sheegaya in gabi ahaan gawaarida Qaraxa lala eegtay ay burbureen, iyadoona ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba ah kasoo gaartay Ciidamo badan oo la kala socday gaadiidka Qaraxyada lala eegtay.

Qaraxyada ayaa waxaa loo aaneynaayay Haraadiga Alshabaabka ku dhex jiro Shacabka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waxa ayna Ciidamadu ay iminka halkaasi kawadaan Howlgalo adag.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada