Daawo Sawirada:- Gabar dhowr sano lagu la'aa Geeri iyo nolol oo la helay iyo Reerkeeda oo ilmeynaaya

Daawo Sawirada:- Gabar dhowr sano lagu la'aa Geeri iyo nolol oo la helay iyo Reerkeeda oo ilmeynaaya

daajis.com:-Wargeyska DailyMail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa baahiyay Warbixin xiisa badan oo ka hadlaysa farxad ka ilimeysiisay qoys u dhashay dalka Indonesia oo 10 sano kadib helay gabadh yar oo ay dhaleen.

Wargeyska ayaa shaaciyay in gabdhaan oo lagu Magacaabo Raudhatul Jannah la waayay sanadii 2004 xilligaas oo duufaantii Tsunami ay ku dhufatay deegaano badan oo ka tirsan dalka Indonosia.

Jamiliah oo ah Hooyada dhashay Gabadhaan ayaa sheegtay in ayada iyo Seygeeduba ay ku waasheen raadinta Gabadhaan iyo wiil ka weynaa oo ay biyuhu qaadeen.

Jamiliah ayaa xustay in laba bil ay raadinayeen Carruurtooda oo 4 jir iyo 7 jir kala ahaa laakiin ay ka quusteen oo ay iska dhaadhiciiyeen inaysan noleyn oo ay Ifka ka huleeleen.

Inkastoo ay sabreen Waalidiintaani haddana Gabadhoodu ma geeriyoon oo nin Kaluumeysata ah ayaa badbaadiyay xilli ay ku dhaganeed Gabal Alwaax ah oo Mowjado biya ahi ay Tuur tuurayeen.

Ninka oo ahaa qof naxariis badan ayaa Inanta u geeyay Hooyadiis oo u bixisay Magac cusub oo ah Weni illaa iyo maantana gacanta ku heysay oo uga taxadareysay sida shakhsi ka tirsan carruurteeda kale.

Jamaliah Walaalkeed ayaa bishii June arkay Raudhatul Jannah oo iskool ka soo laabanaysa kuna sii jeeda Guriga ay ku noolyihiin Reerka Korsanaya, wuxuu u cararay walaashiis oo uu siiyay xog ku aadan gabadha yar ee uu abtiga u yahay.

Waalidiinta Gabadha oo kol hore quustay ayaa raacay tilmaanta abtiga, waxaana u suurta gashay inay Garaacaan Guriga ay ku jirtay Gabadhooda kaasi oo ay ku sugnaayeen qoys wada bashaash ah oo ay kala kulmeen marxabeyn iyo farxad kala qaaday Afafkooda.

“Aniga iyo ninkeyguba waan faraxsanahay, waxaana abaal u haynaa Rabbiga Suurta galiyay inaan dib ula bahowno inanteena” ayay tiri Hooya Jamiliah oo aad u faraxsan.

“Wadnahayga ayaa garaac bilaabay markaan arkay gabadhayda, hab ayaan siiyay ayaduna Xabadka ayay igu duugtay, waxaana raaxo ka dhax dareemay gacmahayga ayay sii raacisay Hooyadaas oo ilin ay ka qubanayso.

Si kastoo ay ahaataba arintaan ayaa layaab ku noqotay dad badan oo Aaminsanaa in Gabadhaani ay ku biirtay dadkii reer Aakhiraadka ahaa ee ku naf waayay Duufaantii Tsunami oo ku dhufatay deegaano badan oo ka tirsan dalka Indonesia.





Waxaa Turjumay: C/Risaaq Cumar Axmed ( Siiriya )

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada