News:- Madaxweyne Obama oo soo saaray amar Culus oo saameyn ku yeelanaya Xoogaga Daacish

News:- Madaxweyne Obama oo soo saaray amar Culus oo saameyn ku yeelanaya Xoogaga Daacish

daajis.com:-Madaxweyne Obama ayaa ku dhawaaqay inuu amrayo in duqeymo cirka ah lala bartilmaameedsado kooxda Islaamiga ah ee dalka Ciraaq haddii ay u sii socdaan dhanka magaalada Irbil, halkaasi oo Mareykanka ay ku leedahay Qunsuliyad ay ka joogaan lataliyayaal military.

Waxa uu sheegay in kooxdan dhisatay dowladda Islaamiga ah ay ku dhawaaqday baabi’inta dadka Yazidiz, kuwaas oo badan kooda ay u qexeen meelaha ku dhow dhulka buuraleyda ah kadib weeraro dhowaanahan ay la kulmeen.


Waxa uu tilmaamay inay sax tahay hadda faragelinta Mareykanka, kaddib halista taagan iyo codsiga taageerada ee kaga imaanaya dowladda Ciraaq.

Golaha ammaanka ee Qaramada midoobey ayaa cambaareeyay weerarada waqooyiga ciraaq ee ay kooxda daacish, Golaha wuxuuna ku baaqay in lataageero dowladda Ciraaq.

Waxay sidoo kale dembi ku sheegeen bartimaameedka boqollaal kun oo Ciraaqiyiin ah ay la kulmayaan, gaar ahaan dadka laga tirada badan yahay ee Masiixiyiinta, kuwaas oo ka qaxaya Waqooyiga.

Safiirka Britain ee Qaramada midoobey, Mark Lyall Grant ayaa sheegay tallaabooyiinka ay qaadayaan islaamiyiinta ay horseedi karto dembi dagaalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada